Friday, June 27, 2025

C/weli Gaas: “Haddii Alshabaab hal qof naga dilaan, maxaabiistooda ayaan 20 ka dileynaa..”

Madaxwaynaha maamul goboleedka Puntland C/weli Maxamed Cali (Gaas) oo maanta gaaray magaalada Garowe, kadib markii uu shalay ku soo laabtay magaalada Boosaaso socdaalkiisii Imaaraadka Carabta ayaa tacsi u diray Guddoomiyihii Haweenka Gobolka Mudug Dhudi Yuusuf Aadan oo xalay dabley hubeysan ku dileen magalada Gaalkacyo.

Madaxweyne Gaas ayaa si kulul uga  dilka haweeneydaasi, wuxuuna sheegay in xubno ka tirsan kooxda Al-Shabaab ay ka buuxaan xabsiyadda Puntland, wuxuuna ku hanjabay in haddii ay shan ka dilaan ay iyagana labaatan laga dilayaan Alshabaab-ka xabsiyada uga buuxa, taasoo uu sheegay inay dhab ka tahay.

Hadalka kasoo yeeray C/weli Gaas oo meel ka dhac ku ah sharciga islaamka iyo kuwa islaamka ayaa laga yaabaa inay ka keentay carro oo mar dambe uu dib ka sixi doono, inkastoo ereyo hore ugasoo baxay uu ka noqday.

Ma jirto cid loo qabtay dilkii Dhudi Yuusuf Aadan oo ah mas’uulkii saddexaad ee magaalada Gaalkacyo lagu dilo, iyadoo loo aaneynayo inay ka danbeysay kooxda Alshabaab.

DHAGEYSO CODKA MADAXWEYNE GAAS

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON