Sunday, July 6, 2025

C/weli Gaas oo degdeg u tegay Magaalada Muqdisho iyo sababta socdaalkiisa

Madaxweynaha maamul goboleedka Puntland  C/weli Maxamed Cali Gaas iyo wafdi la socda ayaa si degdeg ah u tegay magaalada Muqdisho, iyadoo socdaalkiisu yahay mid xasaasi ah oo ku beegmay xilli adag.

C/weli Gaas ayaa ka socdaalay magaalada Boosaaso, wuxuuna galabta ka degay  magaalada Muqdisho, oo uu kusoo dhoweeyay  xubno uu horkacayo  Wasiirka Caddaadda Dawladda Federaalka Soomaaliya Jeneraal Cabdullaahi Axmed Jaamac Ilko-jiir.

Waxay si degdeg ugu gudbeen Xarunta Madaxtooyada Soomaaliya gaar ahaan Villa Hargaysa, halkaasoo la dejiyay, waxaana isla markiibn uu kulamo la yeelanayaan madax iyo xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka.

Ujeedka imaanshaha C/weli Gaas ee Muqdisho ayaa lagu sheegay inay tahay inuu culeys saaro xildhibaanada Federaalka ee degaanadiisa ka soo jeeda, wuxuuna noqday mas’uulkii ugu horeeyay ee maamulada dalka oo Muqdisho soo gaara.

Dhinaca kale Madaxweynaha Puntland ayaa ka mida madaxda dalka ee ka qeyb geli doonta  shir labo maalmood socon doona Xubnaha Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey u tegayaan magaalada Muqdisho, kaasoo looga hadli doono xaaladda kala guurka ah iyo doorashada 2016.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON