Madaxweynaha Maamulka Puntland C/weli Maxamed Cali (Gaas) ayaa xarunta madaxtooyada Puntland ee Garoowe ku soo dhoweeyey guddoomiyaha cusub ee Baarlamaanka Puntland Axmed Cali Xaashi, isagoo qaabilay isla markii la doortay, iyadoo uu ahaa musharaxii uu taageerayay Mudane Gaas.
Madaxweyne Gaas ayaa sheegay inay tahay wax lagu farxo doorashadii maanta ee Baaralamaanka ay u dhacdo si cad oo muuqata , islamarkaana ay tahay guul iyo horumar ay gaareen shacabka Puntland. “Umadda Puntland meel kasta oo ay joogaan waxay kaa rajeynayaan dadaal, ka shaqeynta horumarka iyo midnimada Puntland” Ayuu yiri Madaxweyne Gaas.
Cabdiweli Gaas wuxuu u mahadceliyey gudoomiyihii hore ee Golaha wakiilada Puntland Saciid Xassan Shire, isagoo sheegay inuu shaqo badan soo qabtay mudadii uu xilka hayey.
DAAWO SAWIRRADA