Monday, July 14, 2025

DHAGEYSO C/WELI GAAS: “Madaxweyne C/llaahi Yuusuf ayaa calankii Soomaaliya dib uga taagay Villa Somalia December 2006”

MadaxweynahaPuntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa 25-ka Ogost 2015 si rasmi ah uga furay shirweynaha Wada-tashiga Puntland wejigiisii koowaad magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobalka Mudug isagoo socon doona muddo 5 maalmood ah.

Cweli Gaas
MadaxweynahaPuntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas

C/weli Gaas oo khudbad ka jeediyey furistsii shirka  ayaa ka hadlay ujeedada shirka iyo rabitaanka maamulkiisu ku doonay in nabad ka dhacdo Soomaaliya. “Qorshihii reer Puntland ee ahaa “marka hore idinku is dhisa, kadibna Soomaali baadi gooba waa lagu guuleystay, waxaa tasai dhinaca kale keentay hoos u dhac dhaqaale, taasoo sababtay in Puntland lumiso degaan iyo dad,  dadku waxay is weydiinayaan in dhaqaalaha iyo dadkaa la geeyo Xamar, waxaan qabaa inay sax ahayd sababtoo ah madaxdii Puntland ee markaa waxaa ay ka duulayeen in la helo midnimo Soomaaliyeed ‘’ Ayuu yiri Madaxweyne Gaas.

Wuxuu sheegay in Puntland si ay ula jaanqaado horumarka dhaqaale, amni iyo bulsho ee caalamku higsanaayo ay tahay in isbedel dhab ah ku sameeyo dhismaheeda dowliga ah iyo kuwa gaar ka ah,  si loo helo amni iyo nabadgelyo taaba-gal ah, taasoo keeneysa ayuu yiri  in la helo maalgashi xor ah oo horseeda horumar dhaqaale. Madaxweynaha Puntland wuxuu  ugu baaqay Puntland deriskeeda dhow iyo kan fogba nabad-gelyo iyo wada noolaansho, isagoo sheegay  in cid kasta oo Puntland  ogol, iyaguna ogol yihiin.

Dhageyso khudbadda madaxweyne Gaas

Goobjooge.com

[ad name=”HTML-1″]

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON