Madaxweynaha maamul goboleedka Puntland Cabdiweli Maxamed Cali (Gaas) ayaa si la yaab leh u difaacay qaadashada isaga iyo maamulkiisa ay qaateen nidaamka 4.5 in lagu saleeyo Baarlamaanka Soomaaliya ee la dhisayo aakhirka sanadkan 2016, isagoo hore ugu tilmaamay in qaabkaasi xaaraan yahay.
Khudbad uu ka jeediyay heshiiska caawa ka dhacay magaalada Garowe oo ay wada gaareen Puntland iyo Dowladda Federaalka ka dib ayuu ku sheegay inaysan Puntland qaadan nidaamka 4.5 balse ay qaadatay go’aankii lagu soo afjari lahaa in hab qeybsiga oo dalka looga musaafurin lahaa.
Gaas wuxuu cambaareeyay, kuna tilmaamay wax laga xumaado hadalkii soo dhoweynta ahaa ee kasoo baxay Madaxwaynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud kaasoo uu sheegay inuu kaga hordhacay taageerada in Puntland qaadatay 4.5.
Arrintan ayaa soo afjartay diidmo ay Puntland la hor taagneyd qaabka doorashada dalka muddo saddex bilood ah, waxaana si weyn loo xusuustaa hadaladii la yaabka lahaa ee Gaas ku sheegay inuusan aqbaleynin 4.5 xitaa haddii loo keeno Ban-ki Moon laakiin uu ka aqbalay Tedros Adhanom, halka uu cambaareynayo hadalka madaxweynaha Soomaaliya.
Goobjooge.com