Madaxweynaha Puntland C/weli Maxamed Cali (Gaas) ayaa saaka ka soo xaadiray fadhiga Golaha wakiilada Puntland, halkaasoo lagu weydiiyay su’aalo adag oo ku saabsan xaalada maamulka Puntland iyo dhibaatooyinka heysta maamulka, waxaan su’aalaha qaarkood oo aad u kululaa Madaxweyne Gaas uga jawaabay si aanay ku qancin xildhibaanada.
1. lacagta faalsada ah ee lagu daabaco Boosaaso
Su’aashii la wada sugayay waxaa C/weli Gaas weydiiyay xildhibaan Xildhibaan Siciid Cabdi Samatar (Surcad), xildhibaanka isagoo sare u haya xirmo lacag shilin Soomaali ah oo lagu daabacay Puntlabd ayuu yiri: Waxaan rabaa inay dowladdu caddeyso cidda lacagtan sameysay???.
Madaxweyne Gaas ayaa jawaabtiisu ahayd mid kooban oo isku dhex jirta:
“Ma jirto lacag sharci darro ah oo Dowladdu daabacday…! wixii maamulka iyo maareynta dhaqaalaha ku saabsan iyo helidda adeegyada waa howl dastuuri ah oo dowladdu leedahay…”
2. Arrimaha mushaarka ciidamada
Mar ka weydiiyay Madaxweyne Cabdiweli Gaas mushaharaadka ciidamada ee bilo badan la la’ yahay, wuxuu yiri:
“Ciidamadu waxaa la siiyaa mushshar, guno iyo raashin, mana jiraan ciidamo mushaar la’aan ah…”
3.
Waa socotaa…
Goobjooge.com