Thursday, June 26, 2025

Daacish oo dil nooc cusub ku fulisay askar ka tirsan ciidamadeeda [Qaab noocee ah?]

Kooxda Daacish ee khilaafada Islaamiga oo looga bartay falal arxan darran ayaa fulisay dil nooc cusub ah oo aan hore loo arag kadib markii ay askar ka tirsan ku dishay qaab lala yaabay.

Askarta la dilay ayaa gaareysay 7 askar oo lagu eedeeyay inay ka carareen goobta dagaalka gudaha dalka Ciraaq, waxaana askartaasi lagu riday Biyo karkaraya oo loo diyaariyay, halkaasoo ay ku karsameen jirkooda iyo lafahoodiina is daayeen.

Wargeyska Daily Mail ee kasoo baxa dalka Ingiriiska ayaa qoray in falkan la fuliyay maalintii Isniinta ee ku beegneyd 4-ta July, waxaana askarta ka tirsaneyd Daacish lagu soo oogay dembi ah inay ka tageen goobta dagaalka Gobolka Salaaxudiin ee dalka Ciraaq oo dagaal culus ka socday.

Waa markii ugu horeysay ee Daacish ay Biyo karkaraya ku dilaan askartooda kasoo cararta dagaalada waxayna hore u sameeyeen inay askarta dagaalada ka baxda rasaas  ku toogtaan ama in la aaso iyagoo nool.

Daily Mail

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON