Ururka Daacish ayaa sheegtay qaraxyadii is-miidaaminta ahaa ee ka dhacay magaalada Kaabul ee qasaaraha badan dhaliyey.
Qoraal ay faafisay Wakaalada Wararka ACMAAQ ee Daacish ayaa lagu caddeeyay in xubno ka tirsan khilaafada Islaamiga ee Daacish ay ka danbeeyeen qaraxyada lala beegsaday ciidamada Mareykanka iyo dadkii caawiyeyaasha u ahaa ee lasoo shaqeeyay, kuna sugnaa garoonka diyaaradaha Kaabul.
Daacish waxay sheegatay inay qaraxayada is-miidaaminta ahaa ku dileen 160 qof oo isugu jira askar Mareykan ah iyo kuwii la shaqeynayey, waxayna soo bandhigtay mid ka mida raggii is-miidaaminta fuliyey.
Dhinaca kale Wararka laga helayo magaalada Kaabul ayaa sheegaya inuu qarax weyn ka dhacay agagaarka Garoonka Diyaaradaha magaalada Kaabul ee dalka Afghanistan, qaraxa ayaa ah kii saddexaad ee Caawa ka dhaca magaalada.
Wararkii ugu danbeeyay ee qaraxa uu ahaa Hub iyo Rasaas ay burburiyeen ciidamada Mareykanka ee ku sugan Garoonka Kaabul.
Qaraxyadii hore waxaa ku dhintay in ka badan 60 qof oo ay ka mid yihiin 12 askari oo Mareykan ah, waxaana ku dhaawacmay dad ka badan 100, iyadoo ay sii kordhayeen qasaaraha qaraxyadii hore.
Ciidamada Daalibaan ayaa xiray agagaarka Garoonka Kaabul, waxaana laga saaray dadkii faraha badnaa ee halkaas ku sugnaa, kuwaaso doonayey in laga daad gureeyo dalka Afghanistan.
LA SOCO WIXII SOO KORDHA..

