Kooxda Daacish ee la baxday khilaafada islaamiga ahaa ayaa soo bandhigtay Muuqaalka Caruur da’ yar oo loo tababaray dilka iyo toogashada af-saarka ah ee maxaabiista.
Caruurtan ayaa da’doodu yar tahay, waxaana la shaaciyay shan ka mida oo tooganaya Maxaabiis ay heysatay kooxda Daacish.
Waxay xirnaayeen dharka ciidamada Daacish iyadoo ku hubeysnaa Bistoolado ay madaxa ka saareen maxaabiista ay toogteen.
Caruurta ayaa kasoo kala jeeda dalka Brtiain, Masar, Kurdistan, Tunisia iyo Uzbekistan. waxaana dalalka ay ka soo jeedaan cabsi ka qabaan inay dib ugu laabtaan.
SAWIRRO