Ururka khilaafada islaamiga ee Daacish ayaa War Bayaan ah oo uu soo saaray ku xaqiijiyey geerida hoggaamiyahoodii Abuubakr Al-Baghdadi, iyadoo la magacaabay Amiir cusub oo lagu magacaabo Abu Ibrahim al-Hashimi al-Quraishi.
Bayaan kasoo baxay Daacish oo uu akhriyey Afhayeenak kooxda Abu Hamza ay Qureyshi ayaa lagu sheegay tacsida Hoggaamiyihii Daacish, oo ururkaasi hoggaaminayey tan iyo markii la aasaasay sanadkii 2014, waxayna Daacish sheegtay in afhayeenkeediiii hore Abu Hassan al-Muhajir isna lagu dilay howlgal dhacay maalin kadib markii l;a dilay Abubakar Al-Baghdadi.
Bayaanka Daacish ayaa lagu sheegay in golaha sharci-dejinta iyo shuurada kooxda ay kulan deg deg ah isugu yimaadeen kadib geerida al-Baghdadi, waxayna xaqiijinta shahiidnimada Sheekh Abu Bakr al-Baghdadi, kadib doorteen hoggaamiye cusub oo noqon doona Abu Ibrahim al-Hashimi al-Quraishi.
Afhayeenka Daacish, Abu Hamza al-Quraishi ayaa u digay dowladda Mareykanka, waxaana ku hanjabay in Daacish iyo taageerayaasheeda ay ka aargudan doonaan geerida al-Baghdadi.