Qoraal ay wadajir u soo saareen ilaa 10 musharax oo heshiiskan doorasho gaaray ayaa qodobadiisa ka kooban yihiin:
1 – In si dhow loo wada shaqeeyo la iskuna xiro dhamaan howlwadeenada ka shaqeynaya ololaha doorashada ee musharixiinta.
2- In Xildhibaanada qaranka ee taageersan Isbedelka ay isku duubnaadaan iskana war hayaan.
3- In xubnaha musharixinta ku midoobay golahan ay ka shaqeeyaan sidii codka xildhibaanadu uu u xaqiijin lahaa isbedel dhab ah inuu hirgalo, iyadoo si toos ah loo taageerayo musharaxa ugu cod bata ee ka mid ah golahan wareegyada kala duwan ee doorashadu mari doonto.
4- In haddii isbedelku guuleysto mid ka mid ah musharixiinta Golahan uu dhiso dowlad haysata kalsoonida Baarlamaanka iyo shacabka Soomaaliyeed.