Tuesday, June 24, 2025

DAAWO: Askari Kenyaati ah oo is dilay kadib markii ka laabtay howlgalkii AMISOM ee Somalia

Askari ka tirsanaa ciidamada Kenya ee ka howlgalay Soomaaliya uu isku dilay gurigiisa oo ku yaala magaalada Busia ee ku taala xadka dalalka Kenya iyo Uganda.

Askariga is dilay oo magaciisa lagu sheegay Joash Ochieng Magar, ahaana oo 52 sanno jir ayaa la sheegay inuu howlgab geli lahaa shalay 12-kii bishan Maarso, waxaana xubno ehelkiisa ka mida  waxay warbaahinta Wargeyska Standard ee Kenya u sheegeen inuu qolkiisa isku dhex dilay.

Gabar  la dhalatay askariga  ayaa u sheegtay inuu maalmo ka hor  ka laabtay Soomaaliya isagoo  qeyb ka ahaa ciidamada Kenya ee qeybta ka ah howlgalka AMISOM. Waxaana la sheegay in maskax ahaan aanu deganeyn oo uu ahaa qof isku buuqsan. Boolisku Busiya ayaa sheegay sheegay inay baaris wadaan.

KA DAAWO VIDEO DHINACA SARE

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON