Xildhibaannada Baarlamaanka Uganda ayaa gacanta isula tegay kadib markii ay isku maan dhaafeen da’da qofka madaxweynaha noqonaya iyo sida loo xadiddayo.
Mooshin lagu doonayo in wax looga bedelo da’da madaxweynaha ayaa la geeyay Baarlamaanka, taasoo loogu dan lahaa in markii afraad madaxweynaha xilka haya Yoweri Musaveni ay u suuragasho inuu doorasho galo.
Dagaalka xildhibaannada ayaa bilowday kadib markii xildhibaannada ka horjeeda in xadidaadda da’da laga qaado ay ku eedeeyeen wasiirka Biyaha iyo Degaanka Ronald Kibuule, inuu hub la soo galay xarunta. Waxayna xaaladda qabowday markii guddoomiyaha Baarlamaanka uu xildhibaannada ku qanciyay inaysan jirin cid hubeysan oo guriga baarlamaanka ku jirta.