Madaxweynaha maamulka Puntland C/wali Maxamed Cali Gaas iyo wafdi uu hogaaminayo oo ay ka mid yihiin horin ciidamo hubeysan ah ayaa galabta lagu soo dhoweeyay Garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho, isagoo kasoo duulay magaalada Garoowe.
Madaxweyne Gaas ayaa Muqdisho u yimid inuu ka qeyb galo shirka Madasha Qaran ee Madaxda Soomaalida loo looga hadlayo arrimaha doorashooyinka.
Xubno uu horkacayo wasiirka Dastuurka xukuumadda Soomaaliya ayaa wafdiga Madaxweynaha Puntland ku soo dhoweeyay Garoonka, kadibna waxay kulan kooban garoonka kula qaateen Ra’iisal wasaare ku xigeenka xukuumadda, waxaa caawa la dejiyay xarunta Madaxtooyada Villa Somalia.
DAAWO SAWIRRO