Ra’iisal wasaarihii hore ee Soomaaliya C/weli Sheekh Axmed oo xilka looga qaaday olole weyn oo Baarlamaanka Soomaaliya ku kala qeybsamay ayaa ku eedeeyay madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud inuu doonayay inuu wuxuu doono sameeyo.
“Anigu uma horeyn Ra’iisal wasaare la bedelo, laakiin waxaa jirtay kala aragti duwanaan aniga iyo madaxweynaha noo dhaxeysay, waxaan u arkayay in madaxweynuhu u heystay in hanaanka dowladnimada ay tahay madaxweynuhu wuxuu doono inuu sameeyo” ayuu yiri C/weli Sheekh Axmed oo madaxweynaha magacaabay ku eedeeyay keli talisnimo.
DHINACA SARE KA DAAWO WREYSIGA OO UU QAADAY WERIYA JAAMAC DAPARANI
Goobjooge.com