Dadka degmada Beledxaawo ee Gobolka Gedo ayaa ku eedeeyay ciidamada maamulka Jubbaland inay la safteen askarta Kenya ee ilaalada ka haya Derbiga laga dhisayo xuduudka ee soo galay magaalada.
Is mari waa’ ku saabsan Derbiga oo gudaha u soo galay magaalada Beledxaawo ayaa ka taagan maalintii saddexaad magaaladaasi iyadoo shalay ay dadweyne isu soo baxay isku dayeen inay ka hortagaan ciidamada Kenya, balse waxaa rasaas ku kala eryay ciidamada maamulka Jubbaland.
Waxgarad iyo dadweyne kala duwan oo ku sugan Beledxawo ayaa sheegay in ciidamada Kenya ay gudaha u galeen magaalada, iyadoo ay arrinta wax ka ogyihiin maamulka degmada iyo kan Gobolka Gedo ee Jubbaland ayna ay raali ka yihiin.
Maamulka Jubbaland ayaa lagu eedeynayaa inay qeyb ka yihiin dhibaatadda Kenya ka wado magaalada Beledxaawo ayna fasaxeen iny dowladda Kenya qaadato dhul ka mida qeybta Soomaalida degan tahay oo saameyn ku yeelanaya guryo ay dadweyne degan yihiin.