Wednesday, June 25, 2025

DAAWO: Gabar 19 jir Faransiis ah oo si toos ah u duubtay fal ay isku dishay

Gabar u dhalatay dalka Faransiiska oo 19 sano jir ah ayaa si toos ah isaga duubtay fal ay nafteeda ku daldashay iyadoo isku tuurtay jid uu xilligaasi marayay tareenka dheereeya.

Gabadhan ayaa xilliga ay is dilka ku dhaqaaqday si live ah ugu xirneyd barta caank ah ee  Periscope, iyadoo  adeegsaneysa telefoonkeeda ahaa nooca smart phone-ka, waxaana dadkii daawanayay ay ka qaadeen naxdin weyn iyo sas ka dhashay falkaasi.

Arrintan oo muran weyn ka abuurtay dalka Faransiiska ayaa ka dhacday degaanka Egly ee koonfurta magaalada Paris oo tareenku maro galabnimadii Talaadada, waxaana saraakiisha Booliska iyo dembi baarista dalkaasi ay xaqiijiyeen falkan iyadoo video-ga laga saaray barta, isla markaana baaritaan lagu bilaabay hadallo ay sheegtay gabadha intii aanay is dilin.

Waxay sheegtay wiil ay saaxiibo ahaayeen, waxaana hadalladeeda ka mid ahaa in la kufsaday, Waxaa falkan  booliska ku wargeliyay mid ka mida dadka isticmaala barta Periscope.

Wakaalado

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON