Monday, June 23, 2025

DAAWO: Hanti-dhowrka guud ee kashifay in mas’uuliyiin ka tirsan dowladda ku lug leeyihiin Saldhiga Imaaraadka ee Berbera

Hanti dhowraha guud ee  Qaranka Dr. Nuur Faarax Jimcaale ayaa shaaciyay in heshiiska dalka Imaaraadka Carabta lagu siiyay saldhig milateri oo uu ku yeesho degmada Berbera ee xeebta Badda Cas uu yahay khiyaami Qaran.

Isagoo shir jaraa’id ku qabtay maanta magaalada Muqdisho ayuu sharci darro iyo waxbo kama jiraan ku tilmaamay heshiiska ay dowlada Imaaraadka la gashay maamulka Somaliland oo ku saabsan saldhigga Militeri ee Berbera.

“Heshiiska wuxuu  gobolka ku keenayaa culeys nabad-galyo la’aan iyo xasarad iyo dhaqaale. Berbera waxay noqon doontaa goob militeri oo ka caagan dadkii ka shaqeysan jiray, guud ahaan reer Somaliland dhibaatada waa gaareysaa, umadda Soomaaliyeed meel walbo oo ay joogtana waa gaari doontaa dhibaatada” ayuu yiri Hanti-dhowraha Qaranka.

Wuxuu eedeyn u jeediyay dowladda Imaaraadka isagoo ugu baaqay inay ka waantowdo kala qeybinta,  faragelinta iypo fitnada ay ka dhex wado Soomaalida sida uu yiri isagoo sheegay inay tahay markii labaad oo heshiis gacan ku rimis ah

Hanti dhowrku wuxuu sheegay in mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Federaalka oo aanu carrababin ay qeyb ka yihiin heshiiska, wuxuuna caddeeyay tallaabooyinka dowladad Imaaraadka ay ku dacweyn doonaan Jaamacadda Carabta iyo Qaramada Midoobay.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON