Kooxda khilaafada Islaamiga ee Daacish oo sheegatay inay ka danbeysay weerarkii Baar ku yaala magaalada Dhaka ee dalka Bangladesh ayaa faafisay sawirrada qaar ka mida dableydii weerarkaasi fulisay.
ISIS ayaa magacyada dableydaasi ku soo gaabisay magacyo Naaneys ah oo kaliya, wuxuuna weerarkaasi noqday kii ugu qasaaraha badnaa oo dad ajnabi ah loo geysto.