Ciidamada Booliska magaalada Krasnodar ee dalka Ruushka ayaa gacanta ku dhigayhaweeney iyo ninkeeda oo ahaa Dad-qalato in muddo ah ku jiray cunista dadka.
Labadan qof oo lagu kala magacaabo Natalia Baksheeva oo 35- sano jir ah iyo ninkeeda Dmitry Baksheev ayaa mas’uul ka ahaa dad 30 qof ah oo la waayay meel ay jaan iyo cirib dhigeen magaalada ay ku noolaayeen.
Labadan qof ayaa dadka ay dilaan jirkooda jarjari jiray iyagoo qaboojiye ku ridan jiray, kadibna marka qaar ka cuni jiray, waxaana arrintooda kashifay telefoon ka lumay oo ay heleen shaqaale nadiifiya wadooyinka, kaasoo lagu arkay lammaanahan oo jir bani aadam afka uga buuxo. Telefoonkaas oo Booliska loo geeyay ayaa raadraaciisu noqday ninkan iska lahaa in lagu soo qabto.

Baaritaan ayaa ku socda labadan qof oo la sheegay inay noqon doonaan dad-qaladii ugu xumeyd ee dad intaas la eg leysa ama cunta, waxaana wasaaradda arrimaha gudaha Ruushka oo kiiskan gacanta ku heysa ay sheegtay in baaritaanka socday.
Dmitry Baksheev ayaa booliska u sheegay in isaga iyo xaaskiisa ay dad cunb ahaayeen in muddo ah oo ilaa 30 jeer ay dad qasheen 20kii sano ee la soo dhaafay, wuxuuna kiiskan noqday mid si weyn looga hadal hayo Raashiya iyo dunida.R
https://youtu.be/ACZbSITvY5I