DAAWO: Madaxweyne Farmaajo oo hambalyada Ciidul fitriga u diray Shacabka Soomaaliyeed

0

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa Ummadda Soomaaliyeed  u diray Hambalyada Ciidul Fitriga, isaggoo Sanadkaan kiisa xigga u rajeeyey inay ku gaaraan Caafimaad iyo Nabad buuxda.

“Ummadda Soomaaliyeed meel walbo oo Caalamka ay ka joogaan, waxaan ku sallaamayaa Salaanta Islaamka,  waxaan leeyahay Hambalyo , Ciid wanaagsan, Ciid Mubaarak, Alle waxaan ka baryeynaa Sanadkaan kiisa xigga in uu nagu gaarsiiyo Caafimaad iyo Nabad buuxda” ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo

Madaxweynaha JFS, ayaa Ciidamada qalabka sida, gaar ahaan Ciidanka Xasilinta uga mahad celiyey sida ay ugu dhabar adeegeen in Shacabka Soomaaliyeed ay ka difaacaan Kooxda Nabad diidka ah Alshabaab oo uu sheegay inay yihiin Koox caadeysatay daadinta dhiigga Shacabka.

“Waxaan u mahad celinayaa Ciidamada qalabka sida, Ciidanka Xasilinta oo habeen iyo maalin u taagnaa siddii Shacabka Soomaaliyeed uga difaaci lahaayeen Qolooyinkaan Hororka ah oo caadeystay inay Qaraxyo ka geeystaan magaaladda Muqdisho oo ay ku laayaan Shacab, Culimo, Ciroole iyo Dumar” ayuu yiri Madaxweynaha JFS.

Sidoo kale Madaxweyne Farmaajo, ayaa Shacabka Soomaaliyeed uga mahad celiyey la shaqeynta Ciidanka Xasilinta, waxaana uu xusay in Dawladda Soomaaliya ay ka shaqeyn doonto siddii magaaladda Muqdisho loogu soo dabaali lahaa Ammaan iyo Xasilooni.

“Waxaan u mahad celinayaa Shacabka Soomaaliyeed oo la shaqeeyey Ciidamada Xasilinta oo u dul qaatay Culeysyada uga yimid isu-socdka magaaladda, waxay Dawladda ka shaqeyneysaa siddii magaaladaan ay ugu soo dabaali laheyd ammaan iyo Xasilooni, waa loo baahan yahay wada-shaqeynta Ciidamada qalabka sida iyo Shacabka Soomaaliyeed” ayuu yiri Madaxweynaha.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa uga digay Argagixisada Nabad diidka ah inay joojiyaan dhibka ay ku hayaan Shacabka Soomaaliyeed, isaggoo carabaabay in Dawladda ay ka shaqeyn doonto siddii ay uga horgi laheyd falalka argagixisinimada leh ee Kooxda Alshabaab ay geeystaan.

“Waxaan uga dagayaa Qolooyinkaan argagixisada Nabad diidka ah oo caadeystay inay daadiyaan oo ay qubaan dhiigga Shacabka Soomaaliyeed oo Islaamka ah, inay ka waan toobaan oo ay joojiyaan dhibka ay Shacabka ku hayaan, Waxay Dawladda ka shaqeyneysaa  siddii ay ugu hortagi laheyd falalkaas argagixisinimada leh, ayna ku yareen laheyd dhibaatooyinka Shacabka Soomaaliyeed uga imaanaya Argagixisada” ayuu yiri Madaxweynaha Soomaaliya

DHINACA SARE KA DAAWO FARRIINTA MADAXWEYNAHA