Maleeshiyadii kooxda Daacish ee shalay la wareegay degmada Qandala ee Gobolka Bari ayaa iskood uga baxay degmadaas.
Maleeshiyadan oo tiradooda lagu sheegay ilaa 60 qof oo aad u hubeysnaa ayaa iskood dib uga gurtay magalaada oo si lama filaan ay shalay u galeen, waxayna dadka degaanka sheegeen in magaalada aanay hadda cidna joogin.
Ciidamo ay Puntland u dirtay halkaasi ayaan weli gaarin Qandala, waxaana lagu wadaa inay saacadaha soo socda ay halkaasi gaaraan.
Goobjooge.com