Thursday, July 3, 2025

DAAWO: Maxkamadeynta Nin ka tirsanaa Daacish oo Dilal ka fuliyey Muqdisho & Boosaaso

Waxaa maanta lasoo gabagabeeyay dhageysiga Dacwada nin ka tirsan Kooxda Daacish oo falal dilal ah ka fuliyey magaalooyinka Muqdisho iyo Boosaaso, iyadoo la sugayo in xukun ay ka gaarto Maxkamadda Darajada koowaad ee ciidamada Qalabka sida,

Eedeysane Aadan Max’ed Cali waxaa si gaar ah loogu eedeeyay inuu ka tirsan yahay Kooxda Daacish una qaabilsanaa Qeybta fulisa dilalka qorshaysan., wuxuuna ka soo howlgalay Gobollada Banaadir Iyo Bari,   qaybna ka ahaa fulinta dilalka soo socda:-

1- Taariikhdu markay ahayd 24/09/2018 , wuxuua magaalada  Boosaaso ku dilay Ex-Marxuum L/x/le Axmed Hurfe Jaamac Barre oo ahaa  Taliyahii Gaadiidka Madaxtooyada Puntland.

2- Taariikhdu markay ahayd 25/10/2018, wuxuu sidoo kale Magaalada  Boosaaso ku dilay Marxuum C/raxmaan  Aadan Cali oo ahaa ganacsade sharaab ku iibin jiray Magaalada.

3.- 19/01/2019 wuxuu degmada H/wadaag ku dilay labo marxuum oo lagu kala magacaabi jiray Marxuum Axmed Max’ed Nuur (Axmed Shiikhaal) oo ahaa Guddoomiye Laameed iyo Marxuum C/laahi Muxumed Cali (C/laahi dheere).

4- 27/01/2019 wuxuu mar kale Degmada Yaaqshiid  ku dily Ex-Marxuum D/le X. Axmed Cabdi Xuseen, iyadoo Ciidamada amnigu ay kusoo qabteen kadib markii uu dhaawac kaa soo gaaray fulinta dilka marxuumkaasi.

Sidoo kale waxaa maxkamadda lasoo taagay eedeysane C/shakuur Xaaji Barsanji oo lagu eedeeyay inuu ka tirsan yahay kooxda Daacish, isagooa eedeysanaha koowaad gacan ka siiyay inuu ka baxsado gacanta ciidamada amniga, isla markaana uu Isbitaal geeyay dhaawiciisa.

Guddoomiyaha Maxkamada Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka sida Gaashaanle sare Xasan Cali Nuur Shuute oo soo xiray fadhiga Maxkamada ayaa sheegay in dhageysiga gar-maqalka labadan eedeysane intaa uu ku dhammeystiran yahay,islamarkaana ay Maxkamada go’aan ka soo saari doonto.

HOOS KA DAAWO

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON