Thursday, June 26, 2025

DAAWO: Meydka Wiil soomaaliyeed oo dowladda Sweden diiday in la aaso & codsi ay direen waalidkiisa

Qoys Soomaaliyeed oo degan magaalada Gaalkacyo ayaa ka codsaday dowladda Sweden in la aaso wiilkooda oo ku dhintay dalkaasi, isla markaasina muddo bil ah ku jira qaboojiye isbitaal oo la diiday in la aaso.

Marxuum Jaamac Cali Jaamac
Marxuum Jaamac Cali Jaamac

Hooyada wiilka dhashay  Siraad Caanood Shire oo ka mid ah waalidiinta ku nool magalada Gaalkacyo ayaa codsatay in wiilkeeda oo Tahriibay isla markasna ku dhintay wadanka Sweden la aaso. Wiilkaasi oo lagu magacaabo Jaamac Cali Jaamac ayaa qaab tahriib ah ku galay dalka Sweden, wuxuuna u dhintay xanuun qabtay, ilaa iyo hadda mudo bil ah wuxuu ku jiraa talaagad oo dowladda Sweden waxay diiday in la aaso ilaa laga helayo ehelka wiilka.

Maadama uusan marxuumka Jaamac Cali Jaamac helin warqadii aqoonsiga ee qaxootinimo ayaa waxaa adkaatay in la aasayo, Hooyo Siraad  iyo xubno ka mida eheleada wiilka ayaa saxaafadda u sheegay inay doonayaan in degdeg loo aaso.

KIISKAN XANUUNKA BADAN IYO XAALADA WIILKA MEYDKA AH HOOS KA DAAWO

[ot-video type=”youtube” url=”https://www.youtube.com/watch?v=ceUBxKmC_iU”]

Goobjooge.com

[ad name=”HTML-7″]

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON