Saturday, July 12, 2025

DAAWO: Mo Farah oo si la yaab leh ugu guuleystay Biladii Dahabka ee 10,000 Mitir, Rio 2016

Orodyahan  asalkiisu Soomaaliga yahay ee Mo Farah ayaa noqday ciyaaryahankii ugu horreeyay ee British ah ee markii saddexaad oo is xigta  ku guulaysta billadaha dahabka Olympic-ada adduunka.

Orodyahankan ayaa difaacday horyaalka 10-ka kun ee mitir ee uu horay ugu guulaystay Olympicadii 2012-kii ciyaarihihii London.

Maxamed Faarax oo 33-jir ah ayaa dhulka ku dhacay intii orodku socday, balse si degdeg ah uga soo kabsaday isagoo awoodda orodkiisa soo bandhigay 100-kii mitir ee ugu dambeysay iskana reebay orodyahanka reer Kenya ee Paul Tanui oo muddaba ka horreeyay oo sidaana uu billadii dahabka ugu guulaystay kaddib markii uu ordayay 27 daqiiqo iyo 5 ilbiriqsi.

Kaalinta labaad waxaa soo galay Paul Tanui oo Kenya u dhashay halka kaalinta saddexaadna uu ku guulaystay Tamirat Tola oo Itoobiya u dhashay.

Mo Faarax ayaa ciyaaraha orodka dib ugu soo laaban doona maalinta Arbacada ah si uu u difaacdo orodka 5-ta kun ee mitir ee uu ku guulaystay tartankii London ee 2012.

Ingiriiska ayaa hadda ku faanaya laacibkan taariikhda u soo hooyay, inkastoo warbaahintooda aanay soo xigan aasalkiisa Soomaaliga ah.

DAAWO SAWIRRO

Mo-Farah2

Mo-Farah3

Mo-Farah4

Mo-Farah5

Mo-Farah6

 

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON