Sida dadka caadiga ah waa gabar ifeysa, faraxsan, waxayna ku ku talo jirtaa in mar uun ay riyadeeda u rimoobi doonto, taasoo ah inay furato dukaan ay leedahay.
Laakiin Waxay ku dhalatay xaalad naxdin leh. Raxma Haaruuna ma laha qaarka dambe gebi ahaanba, waxaana wehel u noqday xanuun joogto ah, waxayna nolosheeda inteeda badan ku jirtaa Baaldi (Beeshin) caag ah, waana cad yar oo aan koriinsho lahayn.
Gabadha aan ka hadleyno hadda da’deedu waa 19 sano jir ku dhalatay magaalada Kano ee dalka Nayjeeriya. Markiii la dhalatay waxay ahayd canug caafimaad qaba oo caadi ah, laakiin markii ay 6 bilood jirsatay waxaa is istaagay korintaakeedii, iyadoo jirkeedii uu joojiyay inuu kobco oo weynaado.
Gabadhan hooyadeed oo lagu magacaabo Fadi, waxay sheegtay inay lix bilood jirkeedii ay Raxma baratay Fadhiga, laakiin ay kadib awoodi weyday inay garguurato, markaasina cudurku ku bilowday xaaladeeduna halkaas ku dambeysay oo calool xanuun haleelay ayna awoodi weyday inay wax qabsato.
Qoyska Raxma oo muslim ah waxay intii karaankooda ay taageeraan gabadhooda cadka ah, waxayna u yihiin gaadiid iyo wax waliba oo ay u baahato, waxayna u noqdeen awooda ay ku socoto kuna nooshahay.
Raxma waxay tiri: “Way i caawiyaan mar kasta, wax waliba oo aan u baahanahayna waa i siiyaan..”. Raxma waxay si gaara ugu xiran tahay walaalkeed 10 sano jir ah oo lagu magacaabo Fahad oo waqti badan siiya waliga u sameeya walaashiis ka weyn.
Fahad wuxuu sheegay inuu walaashiis ku caawiyo arrimo badan, sida uu dibadda u saaro oo maalin waliba bannaanka ku wareejiyo.
Raxma hooyadeed waxay sheegtay inay ku faraxdo marka ay aragto dadka oo qof waliba caawinayo Raxma, ayna jeceshay in dadka qaraabada ah iyo deriska loo wado. Mar ayay sheegtay inay dhacday inay geeyeen Suuqa kadibna qof u iibiyay Gaariga lagu qaado.
Waxaa laga qaaday sawirro lagu daabacay Wargeysyada gudaha Nayjeeriya, taasoo keentay in dadweynaha dalkaasi ay taageero u soo diraan.
Inkastoo Raxma xaaladeeda sidaas tahay haddana waa qof cajiib ah oo aan marba rajada ka tegin, waxayna leedahay geesinimo ah inay furato dukaan ay leedahay oo ah riyada mustaqbalkeeda ay dooneyso inay u rumowdo.
“Alle ayaan uga mahad celinayaa wax waliba oo sameeyo, waxaan doonayaa inaan ganacsi sameysto, dukaan Khudaarta iyo wax waliba dadka ka iibsadaan, taas ayaan donayaa” ayay tiri Geesiyadda Raxma.
DAAWO SAWIRRO
DAAWO VIDEO
XULASHADA GOOBJOOGE.COM
Daily Mail