Qasaaraha ka dhashay qaraxii galabta lala beegsaday Hotelka Jazeera ee magaalada Muqdisho ayaa sii kordhaya, iyadoo tirada dhimashada ay gaartay 25 dhaawacuna ka badan yahay 30, waxaaana weli la soo bixinayaa dad dhaawacmay ama kuwo dhintay. Dadka ku dhintay weerarka waxaa ka mida Maxamed C/kariin Macalin oo ka tirsan TV-ga Universal, halka dadka dhaawacmay uu ka mid yahay weriye Salmaan Jamaal Siciid.
Wararka laga helayo Hotelka ayaa sheegaya inuu sidoo kale ku dhintay nin Shiinees ah oo ka mid ahaa shaqaalaha Safaaradda Shiinaha ee Muqdisho oo xarun ay u ahayd Hotelka la weeraray.
Burbur xoog leh ayaa gaaray hotelka iyo degaanadii ku dhowaa oo qaraxa weyn waxyeelo gaarsiiyay.
Qaar ka mida muuqaalada qaraxa ka daawo hoos
[ad name=”HTML”]
Goobjooge.com
[ad name=”HTML-1″]