Thursday, June 26, 2025

DAAWO: Muuqaalka Wiil Suuriyaan 5 jir ah oo Caalamka qabsaday & Duqeyn uu ka badbaaday

Sawirka wiil Suuriyaan ah ayaa caalamka qabsaday saacadihii ugu danbeeyay, kadib markii  uu ka badbaaday duqeyn diyaaradaha dagaalka ku qaadeen magaalada Xalab ee dalka Suuriya.

Wiilkan oo 5 sano jir ah, lagu magacaabo Cumraan Daqniish ayaa la sawiray isagoo dhex fadhiya gaari kuwa gurmadka degdega ah dhinaciisa dambe markii laga soo badbaadiyay buburka guri ku dumay oo diyaaradaha dagaalka Ruuskha ku qaadeen.

Waxaa gebi ahaan jirkiisa daboolay uuro, bus iyo dhiig, iyadoo ay ka muuqdeen dhaawacyo ka soo gaaray duqeynta, waxaana la sheegay inuu qoyskiisa garan waayay meel ay jiraan.

Wiilkan yar ayaa indhihiisa laga dareemay inuusan haba yaraatee ooyin, isagoo si degan u fadhiyay oo sugayay in la badbaadiyo markii ay gaareen shaqaalaha gurmadka oo soo badbaadiyay saddex kale oo caruur ah.

Waxaa markii dambe la geeyay isbitaalka m10 ee Magaalada qeybta ay heystaan mucaaradka. Weli lama hayo qoyska wiilkan yar ee Cumraan.

DAAWO SAWIRRO

Omran Daqneesh

https://youtu.be/BO2rG4KgJts

Omran Daqneesh1

Omran Daqneesh2

Omran Daqneesh3

Omran Daqneesh4

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON