Xaflad tababar loogu soo xiray ciidamo ka tirsan Booliska Koonfur Galbeed ee Soomaaliya ayaa isu bedeshay goob Qoob-ka-ciyaar iyo riwaayad ka socoto kadib markii halkaasi kooxda ciidamada Booliska ay Miyuusik ku soo bandhigtay.
Waxaa la arkayay ciidamo si aad ah jaanta isula helay oo dumar iyo rag leh, kuna lebisan dharka ciidamada Booliska taasoo noqotay qaraaxo aan hore loo arag.
Taliyaha ciidanka Booliska soomaaliyeed Gen. Maxamed Sheekh Xasan Xaamud ayaa tababarkan u soo xiray 250 askari oo ka mid noqday Ciidamadaa Booliska Soomaaliyeed oo loo qorsheeyay inay ka howlgalaan Gobolka Bakool.
DHINACA SARE K ADAAWO QOOB KA-CIYAARKA & QARAAXADA KA DHACAY GOOBTA
Goobjooge.com