Rabshado ayaa caawa ka dhacay magaalooyin ka mida maamulka Somaliland, iyadoo ciidamada Booliska ay rasaas rideen magaalada Hargeysa.
Taageerayaasha xisbiga mucaaridka ee Wadani ayaa isugu soo baxay magaalooyinka iyagoo ka cabanaya in doorashadii madaxtinimada Somaliland lagu shubtay, sida ay sheegeen qaar ka mida madaxda xisbiga.
Rabshada ayaa ka dhacay sidoo kale magaalada Burco, waxaana ciidamada booliska iyo taageerayaasha Wadani isku dhaceen bartahama magaalada markii ay dhagxaan ku xireen wadooyinka, isla markaana gubay taayaro waxayna ku dhaarteen inaysan aqbaleynin waxa ka dhacay doorashada.
Rabshadaha ka dhacay magaalada Burco ayaa wararka qaar sheegayaan inuu qof ku dhintay rasaas ay rideen ciidamada Booliska.
HOOS KA DAAWO