Ra’iisal wasaaraha Israa’iil Benyamin Netanyahu oo socdaal ku maray dalal ku yaala Bariga Afrika ayaa cudurdaar iyo raali gelin ka bixiyay dhibaato ka dhalatay socdaalkiisii magaalada Nairobi ee dalka Kenya.
Wadooyin badan ayaa la xiray magaalada Nairobi, taasoo keentay in dadweynaha ay xayirmaan, magaaladuna noqoto mid jaam ah oo la isu socon waayay, waxayna xaaladu gaartay heer dood laga furo baarlamaanka Kenya oo Booliska dalkaasi ku eedeeyay in ciriiri geliyeen muwaadiniinta Kenya, loona dhibaateeyay maamuuska Ra’iisal wasaaraha Yuhuudda.
Arrintan oo muran weyn ka dhalisay Kenya iyo Baarlamaanka dalkaasi ayaa Ra’iisal wasaaraha Yuhuudda wuxuu ka bixiyay  cudurdaar, isagoo sheegay inuu ka xun yahay isla markaana uu raali gelin ka bixinayo arrinta ciriiriga wadooyinka Nairobi ee uu sababay.
DHINACA SARE KA DAAWO VIDEO