Thursday, June 26, 2025

DAAWO SAWIRRO: 72 Boorso & Kartoono ay ku jiraan Lacag iyo Dahab oo laga helay Guriga Najib Razaq

Booliiska dalka Malaysia ayaa sheegay in ay qabteen boqollaal kaartoon oo ay ka buuxaan waxyaabo qaali ah iyo boorsooyinka ay ka buuxaan lacago qalaad kuwaas oo laga helay guri lala xiriiriyay ra’iisulwasaarihii hore ee dalkaas Najib Razaq.

Baaritaannada lagu sameeyay dhismeyaasha ku yaalla Kuala Lumpur ayaa lala xiriiriyay baaritaanno lagu hayo dhaqaalaha mashruuca horumarinta ee 1MDB, sida ay sheegeen. Eedaymaha musuqmaasuqa ee loo soo jeediyay mashruuca 1MDB ayaa qayb wayn ka ahaa waxyihaabihii guul darrada u horseeday Najiib, doorashadaasna waxaa ku guulaystay Mahathir Maxamed oo ay horay xulafo u ahaan jireen.

Waxaa jira balaayiin doolar oo aan la xisaab xirin oo qayb ka ahaa mashruucan uu Najiib sameeyay. Najib laftirkiisa ayaa lagu eedeeyay in uu qaatay 700 oo milyan oo doolar, taas oo uu mar kaste diido.

Dawladda Malaysia ayaa sheegtay in uusan wax gaf ah samaynin, balse dhawr dal oo kale ayaa baaritaan ku billaabay.

Mahathir oo ah ra’iisulwasaaraha cusub ayaa sheegay in uu ka baaraan dagayo in uu dib u furo dacwaddaas, wuxuuna rumaysan yahay in dib loo heli karo lacagta la lunsaday. Najiibna wuxuu ka mamnuucay ka bixitaanka dalka.

Hawgallada booliisku ay ka sameeyeen xafiiska Najiib, guriga uu dagan yahay ee khaaska ah iyo dhismeyaasha kale ee lala xiriiriyay oo ku yaalla bartamaha magaalada ayaa socday maalmihii la soo dhaafay iyadoo warbaahinta loo soo bandhigayo.

Waxaana dhacday mar loo yeeray qof qufulada jabiyo si loo soo saaro lacag guriga Najiib taallay. Jimcihiina Amar Singh oo booliiska u hadlay ayaa saxafiyiinta u sheegay in waxyaabaha la soo qabtay ay ku jiraan 284 boorso oo kuwa qaaliga ah gacanta lagu qaato.

“Askarta ayaa baartay 72 boorso oo ka mid ahna waxaa laga helay lacago kala duwan oo ay ka mid yihiin midda Ringgit ee dalka Malaysia, doolar iyo walina dahab iyo saacado.

“Qiyaasta saxda ah ee dahabka ma sheegi karo, waayo aad bay u badan yihiin boorsooyinka ay saacadaha iyo dahabku ku jiraan” ayuu yiri sida ay ka soo xigatay wakaaladda wararka ee Reuters.

Police load confiscated items into a truck in Kuala Lumpur, Malaysia. They included 72 suitcases containing cash, jewelry and other valuables

Police prepare to load confiscated items into a truck in Kuala Lumpur, Malaysia, which included orange boxes full of designer handbags

Malaysia's former Prime Minister Najib Razak leaves after performing Friday prayers in Kuala Lumpur on May 18

Boxes containing confiscated items are put inside a police truck in Kuala Lumpur

Police prepare to load confiscated items into a truck in Kuala Lumpur. A label showing a luxury handbag can be seen printed on two of the orange boxes 

Police prepare to load confiscated items into a truck in Kuala Lumpur. A label showing a luxury handbag can be seen printed on one of the orange boxes

 

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON