Madaxweynayaasha Dalalka Midowga Africa ee ku Shirsan magaalada Kigali ee caasimadda dalka Rwanda ayaa isla qaatay baasaboor cusub oo qaaradda oo dhan ka dhexeeya, kaas oo ay qaadan karaan dhamaan dadka Africa marka uu si rasmi ah u dhaqan galo.
Midowga Africa ayaa maamulaya Baasaboorkan, Waxaa baasaboorkii ugu horeeyay la siiyay Madaxweynaha dalka Chad oo haatan haya xilka madaxa Midawga Afrika Idris Debi iyo madaxweynaha dalka Rwanda Paul Kagame oo dalkiisa uu martigelinayo shirka madaxeedka sanadkan.
Baasaboorka Afrika oo dhan ka dhaxeeya ayaa hore u ahaa riyo balse hadda u muuqda inay rumowday, waxaana marka hore la siinayaa madaxda dalalka Afrika iyo wasiirada arrimaha dibadda, kadibna waxaa qorshuhu yahay in la gaarsiiyo dadka Afrikaanka ah.
Goobjooge.com