20 qof oo rayid ah ayaa lagu dilay weerar koox dabley ah oo raacsan Daacish ku qaadeen Baar caan ah oo ku yaala Caasimadda dalka Bangladesh ee Dhaka.
Ciidamada Bangladeshi ayaa soo afjaray weerarka kadib markii ay weerareen Baarka Holey Artisan cafe magaalada Dhaka saaka aroornimadii iyagoo soo gabagabeeyay iska hor imaadka oo taagnaa muddo 1o saacadood ah.

Howlgalka waxaa lagu dilay lix dabley ah oo weerarka ku lug lahayd iyadoo lasoo badbaadiyay 13 la heyste. Waxaa weerarkan lagu dilay 20 ruux oo la heyste ah una badan ajaaniib iyo 2 askari oo Boolis ah. Booliska ayaa sheegay inay qabteen 6 dabley oo ka mida kuwii weerarka soo qaaday.
Mareykanka waxaa uga dhintay saddex arday, Japan waxaa uga dhintay 7 ruux ( Shan rag ah iyo 2 haween ah). Talyaaniga oo dadka ugu badan kaga dhinteen weerarka Dhaka ayaa sheegay in 9 qof laga dilay.
Magacyada dadka Talyaaniga ah ee lagu dilay weerarkii Dhaka ayaa lagu sheegay: They were: Adele Puglisi, Marco Tondat, Claudia Maria D’Antona, Nadia Benedetti, Vincenzo D’Allestro, Maria Rivoli, Cristian Rossi, Claudio Cappelli, and Simona Monti.
Dadka guud ahaan lagu dilay weerarka ayaa tiradooda weli la shaacin, waxaan weerarka sheegtay kooxda Daacish.
DAAWO SAWIRRO