Kooxda Alshabaab ayaa soo bandhigtay askar ay sheegtay inay kasoo goosteen ciidamada maamulka Jubbaland.
Askartan ayaa lagu soo bandhigay magaalada Jilib, waxayna ka koobnaayeen saddex askari oo la sheegay inay ku sugnaayeen saldhigga mileaeri ee deegaanka Buulo gaduud oo ku yaalla duleedka Kismaayo.
Alshabaab ayaa sheegtay in saddexdan askari ay iyagoo qoryahooda wata kasoo baxsadeen Jubbaland iskuna dhiibeen kooxda Alshabaab. Alshabaab ayaa hore u shaacisay in askarigii dhinacooda u goosta hubkiisa loogu bedelayo lacag.
Daawo sawirrada.