Kooxda Alshabab ayaa tartan nooc cusub ay u qabatay Odayaasha dhaqanka beelaha Jubbooyinka, kaaso ka dhacay magaalada Jilib ee Gobolka Jubada Dhexe.
Tartankan ayaa ahaa miday odayaasha dhaqanka degaanadaasi laga soo ururiyay ay loolamayeen shiishka iyagoo liifka saarayay bar loo calaameeyay meel fagaaro ah oo dadweyne isugu soo baxeen.
Odayaal da’a ah ayaa tartanka ka qeyb galay, waxaana markii dambe iyadoo aan natiijo laga gaarin lagu kala cararay halkaasi markii roob xoog leh qabsaday goobta.
Daawo Sawirrada