Laba qof ayay ciidamada dowladda ee magaalada Beledweyne ku dhaawaceen bannaabax ka dhan ah madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta ka dhacay magaaladaasi, waxaana dadka soo baxay oo boqolaal ahaa ay ku qeylinayeen ereyo ka dhan ah madaxweynaha iyo shirka Jowhar.
Ciidamada dowladda ayaa rasaas ku riday dadkii banaanbaxa waday oo ay ku kala eryeen, waxaana halkaasi dhaawac ku gaaray laba qof oo la dhigay isbitaalka magaalada Beledweyne.