DAAWO SAWIRRO: Ciidamadii ugu horeeyay ee isku dhafka Qaran oo tababar loogu xiray Kismaayo

0

Ciidamo isku dhaf ah oo ah kuwii ugu horeeyay ee Qaran ayaa tababar maanta loogu soo xiray magaalada Kismaayo.Ciidamadan Qaran oo meelo kala duwan la isaga keenay ayaa tiradoodu gaareysaa 1350 askari, waxaana xaflada tababarka loogu xiray ku sugnaa wasiiru dowlaha Gaashaandhigga xukuumadda Soomaaliya iyo taliyaha ciidamada Qalabka sida.

Madaxweynaha Jubaland ayaa xafladii xeritaanka tababarka sheegay in ciidamadan u baahan yihiin taakulo iyo qalab, wuxuuna ugu baaqay madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo inuu hubeeyo una dhameystiro qalabkooda si ay uga qeyb qaataan dagaalka lagula jiro Alshabaab.

Ciidamadan oo noqonaya dufcadii ugu horeysay ee ka qalin jabisa Qaybta 43 ee Ciidamada Xooga Dalka, waxayna ka kooban yihiin kumaandooska iyo Ciidamada Lugta.

 

SAWIRRO