DAAWO SAWIRRO: Dufcadii ugu horeysay Ciidamada Somalia ee Turkigu tababareen oo qalin jebiyay

0

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa tababar u soo xiray dufcadii ugu horeysay ee ciidamada Soomaaliya oo ay Turkigu tababarreen.

Ciidamadan oo aan saraakiil ahayn ayaa waxaa la baray tabaha ciidamada ee dagaalka, waxaana ay yihiin kuwii ugu horeeyay ee tababar ku dhameysta Saldhigga ciiidamada Turkiga ee Soomaaliya.

Madaxweyne Farmaajo ayaa ciidamada tababarka dhameystay ku booriyey inay ka qeyb qaataan difaacda dalkooda iyo dadkooda, wuxuuna balanqaaday ina dowladda ay gacan ka siin doono ciidamada gudashada waajibaadkooda.

Xafladda waxaa goobjoog ka ahaa safiirka dowladda Turkiga ee Soomaaliya, mas’uuliyiinta Wasaaradda Gaashaandhigga iyo taliska ciidamada Xoogga dalka. Ciidamada tababarka loo xiray ayaa lahaa muuqaal cajiib ah iyo dareys qurxoon, waxayna halkaasi ku soo bandhigeen gaada-ka-cayaar.

SAWIRRO