Madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa maanta mar kale ubax dhigay taalada Daljirka Dahsoon, si loogu weyneeyo maalmaha xorriyada oo maanta ku beegan 57-guuradii ka soo wareegatay markii xornimada gobolada koonfur ay ka haatten gumeystihii Talyaaniga iyo weliba israacii gobolada Waqooyi iyo Koonfur.
Ubax dhigaan ayaa waxaa kasoo qeybgalay dadweyne fara badan oo ka socday degmooyinka gobolka Banaadir. Madaxweynaha ayaa halkaasi salaan sharaf kaga qaatay cutubyo ka tirsan kooxda muusikada baambeyda.
Hadal kooban oo uu madaxweynaha halkaasi ka jeediyay ayuu shacabka hambalyo ugu diray, isagoona ku dhiirigeliyay bulshada inay u istaagaan nabadda iyo midnimada si dalka horumar loo gaarsiiyo.
Madaxweyne Farmaajo ayaa munaasabadii 26-kii June sedan oo kale ubax dhigay taalada Daljirka Dahsoon.