Taliska ciidamada milatariga Soomaalaiya ayaa sheegay in ciidamada Sida Gaarka ah u tababaran ee Kumaandooska Xoogga Dalka ay burburiyeen Shabakad ka tirsan Kooxda Daacish oo tababar ku qaadanayay Deegaanka Jannaale oo ka tirsan Gobalka Shabeellaha Hoose.
“Ciidamada oo ku gudajira howlgallada joogtada ah ayaa weerar la qorsheeyay ku qaaday Mucaskar ay tababar ku qaadanayeen koox ka tirsan Daacish, halkaasna lagu dilay 12 ka tirsan kooxdaasi oo isugu jira Soomaali iyo Ajaanib kadib markii ay iska caabin kala hor yimid ciidamada howlgalka sammeynayay” ayaa lagu yiri sida werisay SONNA.
Waxaa kaloo qoraalka Taliska Ciidanka lagu sheegay inay gacanta lagu dhigeen tiro Maxaabiis ah oo ka tirsan Kooxda ku sugneyd Xerada la burburriyay, kuwaas oo qaarkood laga Daweynayo daawacyo ka soo gaaray inta uu Howlgalku Socday.
Waa howlgalkii ugu horeeyay ee kooxda Daacish ee Soomaaliya lagu qaado. Sawirada hoos ka muuqda ee la soo bandhigay ayaan ahayn sawirro isku mida oo shaki la gelin karo cidda qaaday iyo qaabka loo adeegsanayo.
DAAWO SAWIRRO
Goobjooge.com