Dowladda Qatar ayaa maanta deeq milateri ku wareejisay dowladda Soomaaliya, taasoo ka koobneyd 68 Gawaarida Gaashaaman ah oo Markab uu keenay Dekadda Muqdisho, waxaana munaasabad kala wareejin ahi ka dhacday dekadda Muqdisho oo ay ka qeyb galeen wasiirka Gaashaandhigga iyo Taliyaha ciidamada Milateriga.
Dad badan ayaa baraha bulshada ku saluugay nooca Gawaarida gaashaaman ee Qatar ugu deeqday ciidamada Soomaaliya, halka qaar kalena ay dalbanayeen in qeybtooda laga siiyo maamul Goboleedyada kale, balse waxaan halkan ku soo bandhigeynaa isbarbardhig ku saabsan Gawaarida gaashaaman ee dowladda Qatar ugu deeqday muddo bil gudaheed ah dalalka Maali iyo Soomaaliya.
Dowladda Qatar waxay dalka Maali oo ku yaalla Galbeedka Afrika oo dhinacyo badan kala mida Soomaaliya ugu deeqday gawaari gaaashaman oo gaaraya 24, waxaana caasimadda dalkaasi e Bamako geeyay saddex Diyaaradood oo ah nooca xamuulka ee milateriga Qatar.
Sida aada ka arki karto sawirrada hoose waxaa gawaarida Gaashaaman ay yihiin kuwo casri ah, waxaana lagu magacaabaa ‘Storm’; waxaana dowladda Maali lagu wareejiyey 26-kii Disembar 2018. 22 Maalmood kadib waxaa magaalada Muqdisho ay dowladda Qatar ku wareejisay Gawaari gaashaaman oo gaaraya 68, kuwasoo inkastoo ay ka tiro badan yihiin deeqda loo diray Maali, haddana u muuqda inaysan ku tayo ahayn.
Qatar ayaa loolan kula jirta dalalka Imaaraadka iyo Sacuudiga oo dhaqaale ku bixinaya ciidamada caalamiga ah ee ku sugan dalka Maali, waxayna xiriir dhow la leedahay dowladda Federaalka ee Muqdisho oo xiriirkeeda Imaaraadka uu aad u xumaaday.
HOOS KA DAAWO SAWIRRADA
GAWAARIDA GAASHAAMAN EE DOWLADDA QATAR SIISAY DALKA MAALI
GAWAARIDA GAASHAAMAN EE DOWLADDA QATAR AY SOOMAALIYA SIISAY