Xaaladda magaalada Muqdisho ayaa maanta isu bedeshay mid xiran oo aan wax dhaqdhaqaaq ah ka socon bartamaha iyo qeybo badan oo magaalada ka mida.
Ciidamo fara badan ayaa la dhigay wadooyinka waaweyn ee caasimadda iyadoo isu socodka gaadiidka gebi ahaan la joojiyay, waxaana horeba loo xiray wadooyin waaweyn.
Xildhibaanada cusub ee Baarlamaanka ayaa maanta lagu dhaarinayaa xarunta Dugsiga sare ee Booliska Muqdisho, waana tan keentay inay xaaladan gasho magaalada Muqdisho.
Dadka Muqdisho oo u bartay xaaladaha noocan oo kale ah ayaa qaar badan oo kamida ay maanta yihiin shaqo la’aan iyagoo ka cabsi qaba inay xaaladan sii socoto maalmo kale.
Jidgooyada Muqdisho ee maanta ayaa ka duwan noocyadii hore ee wadooyinka loo xiri jiray, waxaana maanta wadooyinka lagu gooyay dhagxaan waaweyn oo aan la qaadi karin, iyadoo xaaladda Muqdisho ay maanta noqotay: MAGAALO XIRAN.
DAAWO SAWIRRO
Goobjooge.com