Thursday, June 26, 2025

DAAWO SAWIRRO: Kooxda Boko-Xaraam oo gantaallo soo saarta

Mid ka mid ah dagaal yahannada kooxda oo warshadeynaya wax lagu sheegay hub

Kooxda islaamiga ah ee dalka Nigeria ee Boko Xaraam, waxa ay soo saareen sawiro muujinaya warshad sameysa gantaallada oo ku taalla waqooyiga bari ee dalka Nigeria.

Kooxda waxa ay aad u isticmaashaa qoriga RPG-ga ee Baasuukaha, dadbadanna waxa ay isweydiinayeen halka uu hubkaasi ka yimaado.

Bir loo adeegsanayo jaridda agabka madaafiicda laga sameynaayo

 

Image captionFarsamada kooxda ee sameynta hubka

Sawirada waxa ay u muuqdaan in qaar ka mid ah xubnaha kooxda ay farsamo ahaan garanaayaa soo saaridda hubka.

Waxaa la aaminsan yahay sawiradan in laga qaaday mac-had ku yaalla gobolka Borno.

Waxaa loosoo diray fariin WhatsApp-ka oo BBC Afka Hausaha EE Nigeria loo diray, lambarka telefoonka la isticmaalaayayna waxa uu ahaa kan dalka Cameroon, waxa sidoo kale sawiradan lagu daabacay baro lagu taageero Boko Xaraam.

Gantaalada ay sameynayaan kooxda Boko Xaraam
Image captionBiro ay kooxda Boko Xaraam alxameyso si hub looga sameeyo

Dadka wax falaqeeya waxa ay sheegayaan goobta gantaalada lagu sameeyo ay u muuqato inay tahay Bama, oo ku taalla Waqooyiga Bari ee Nigeria oo ah deegaan ay dhowaantan Boko xaraam dib u qabsatay.

Mid ka mid ah qalabka ay isticmaalayaa kooxdan waxaa ka muuqda magac la soo gaabiyay oo ah dugsiga Farsamada dowladda ee Bama (GTCB).

Image captionMid ka mid ah qalabka ay u adeegsanayaan sameynta madaafiicda

 

Image captionbiro gantaalo loo ekeysiiyay

Agabkan waxa loo maleynayaa in iskuulkaasi ay siisay hay’adda Trust Fund, sanadkii 2005tii.

Lama garankaro xilligan sawiradan la qaaday, ama in qalabka loo isticmaalayo sameynta hubkan laga qaaday magaalada Bama.

Ciidamada dowladda Nigeria waxay horey u qabsadeen deegaano badan oo kooxda ay maamuleysay, laakiin Boko Xaram weli waxay qaadeysaa weeraro isdaba jog ah oo ay si gaar ah uga fulinayaan gobolka Borno oo Bama ay ka tirsan tahay.

Image captionDagaal yahanada kooxda oo rinji marinaya gantaalada
Image captionSida ay u jarayaan hubkan

Isha: BBC

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON