Safaaradda Soomaaliya ku lahayd dalka Ciraaq ayaa dhowaan dib loo furay, kaddib muddo 25-sano ah, waxaana furitaanka safaaradda ka qeyb galay Wasiirka Arrimaha dibadda Soomaaliya C/salaan Cumar Hadliye oo dalkaasi socdaal ku jooga iyo mas’uuliyiin ka trisan xukuumadda dalka Ciraaq.
Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya Cabdisalaan Cumar Hadliye iyo mas’uuliyiinta Wasaaradda Arrimaha Dibadda Ee Dalka ayaa wadajir xariga uga jaray dhismaha cusub ee safaaradda Soomaaliya ku leedahay magaalada Baqdaad ee dalka Ciraaq, waxaana ka dhex muuqatay Danjiraha Soomaaliya ee Ciraaq, Marwo Khadiija Al-Makhsuumi oo ah safiir haween ah tii labaad oo Soomaaliya xilligan leedahay marka lagu daro dajiraha Jineva Faduma Insaniya.
Waxaa kaloo munaasabadda ka qeyb galay safiirka Soomaaliya ee dalka Kuwait Maxamed Sheekh Amiin, guddoomiyaha guddiga arrimaha dibadda ee baarlamaanka Somalia C/qaadir Cosoble Cali, Wasiirka Bartoolka Maxamed Mukhtaar iyo Madaxweynaha Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed iyo mas’uuliyiin kale oo halkaas u tegay xafladaas.
HOOS KA DAAWO SAWIRADDA
Goobjooge.com