Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta ayaa iminka ka degay magaalada Muqdisho, isagoo ka qeyb galaya shir madaxeedka IGAD ee 28aad oo maanta ka dhacaya caasimadda Soomaaliya.
Madaxweynaha Kenya waxaa Muqdisho uga sii horeeyay wasiirka arrimaha dibadda Kenya Amina Maxamed oo saacado ka hor iyana ka degtay Garoonka Adan Cadde ee magaalada Muqdisho.
Madaxweynaha Kenya ayaa ka mida madaxda dalalka IGAD oo ku shiraya magaalada Muqdisho, waana markii ugu horeysay ee uu Muqdisho yimaado.
DAAWO SAWIRRO