Safarkii ugu horeeyay ee uu dibadda ugu baxo ayuu maanta Magaalada Djibouti ku gaaray Madaxwenaha cusub ee Somaliland Muuse Biixi Cabdi.
Waxaa garoonka diyaaradaha ku soo dhoweeyay wasiirka arrimaha gudaha Jabuuti Maxamed Cali Yuusuf, iyadoo kadibna xarunta Madaxtooyada ee magaalada Jabuuti uu kula kulmay Madaxweynaha dowlada Jabuuti Md Ismaciil Cumar Geelle.
Madaxweynaha Somaliland ayaa lagu wadaa inuu sidoo kale booqdo dalka Itoobiya oo xiriir maamulkiisu la leeyahay.