Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa ka degay magaalada Jeddah ee Boqortooyada Sucuudi Carabiya.
Wafdiga Madaxweynaha oo ay ka mid yihiin Wasiiru dowlaha Madaxtooyada, La-taliyeyaal iyo xubno kale ayaa waxaa garoonka Boqor C/casiis ee Jeddah ku soo dhoweeyay Guddoomiyaha magaalada Jeddah Amiir Maajid Bin C/aciis iyo xoghaya ururka Iskaashiga islaamka, waxaana loo gudbiyeymagaalada barakeysan ee Makka Al-Mukarramah halkaas oo uu uga qeyb gali doono Shirka degdega ah ee Ururka Iskaashiga Islaamka iyo Jaamacadda Carabta .






