Tuesday, June 24, 2025

DAAWO SAWIRRO: Munaasabadii Calansaarka Muqdisho ee xuska 1-da Luulyo

Munaasabad lagu xusayay 56-sano guuradii ka soo wareegatay markii Gobollada Koofgureed ee Soomaaliya ay xornimada qaateen Talyaaniga iyo israacii Gobolada Waqooyi iyo Koofur oo calansaar ahayd ayaa xalay  saqdii dhexe lagu qabtay xarunta Dowladda Hoose ee Xamar .

Waxaa munaasbadda ka qeybgalay Madaxweynaha, Ra’iisul wasaare ku-xigeenka Xukuumadda, wasiiro, Taliyaasha ciidamada qalabka sida, guddoomiyaha Gobolka Banaadir  iyo bulshada fara badan.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale oayaa sheegay in loo baahan yahay in dadka Soomaaliyeed inay gacmaha isqabsadaan, islamarkaana aysan hilmaamin dhibkii loo soo maray xornimada Soomaaliya.

Wasiirka Warfaafinta, dhaqanka iyo dalxiiska ee Xukuumadda Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye oo ku hadlaayay magaca guddiga qaban qaabada xuska 1-da luulyo ayaa sheegay inay ku guuleysteen in gobolada dalka iyo caasimada si isku mid ah ay uga dhacaan munaasabadaha xoriyadda.

Ra’isul wasaare ku-xigeenka dalka Mudane Maxamed Cumar Carte oo munaasabadda ka hadlay ayaa ku dheeraaday muhiimadda ay midnimada leedahay iyo sida loogu baahan yahay in Soomaalida oo dhan ay uga wada shaqeeyaan mudnimada Ummadda.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hambalyo ku aadan xuska 1-da Luulyo u diray dhammaan Ummadda Soomaaliyeed meel walbo oo ay joogaan .

DAAWO SAWIRRO

IMG_3162IMG_3192IMG_3199IMG_3230IMG_3240IMG_3256IMG_3338IMG_3349IMG_3353IMG_3364IMG_3372IMG_3376IMG_3385IMG_3387IMG_3417IMG_3420IMG_3466IMG_3476IMG_3480IMG_3502IMG_3553IMG_3574

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON