Dhammaan Shaqaalaha  maamulka Gobolka Banaadir iyo dowladdaha hoose ee Muqdisho oo ay ka mid yihiin Guddoomiye ku xigeennada, Agaasmeyaasha, Gudoomiyeyaasha Degmooyinka, Saraakiisha Ciidanka ilaalada Degaanka Xamar, Ururka haweenka gobalka Banaadir ayaa maanta ka qeybgalay kulan lagu sagootin ah oo loo sameeyay Sii-hayaha Guddoomiyaha Gobolka Banaadir  Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab)  oo ka dhacay xarunta  dowlada Hoose ee Xamar.
Haddalo bogaadin ah ayaa loo jeediyay Muungab oo xilka banneynaya iyagoo madaxdii halkaasi ka hadashay mudane Muungaab ku amaaneen marxaladihii adkaa uu soo hagaamiyay Gobolka iyo isbedalada Horumarka leh ee uu gaarsiiyay Magaalada caasimada ah.
Guddoomiyihii Hore ee Gobolka Banaadir ahaana Duqii Magaalada Muqdisho mudane Xasan Maxamed Xuseen Muungab ayaa isagoo ay farxad ka muquato soo dhoweeyay isbedelka lagu sameeyay maamulka Gobolka Banaadir, wuxuuna ku baaqay in lala Shaqeeyo Gudoomiyaha Cusub ee gobolka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho MudaneYuusuf Xuseen Jimcaale.
Guddoomiyihii Hore ee Gobolka Banaadir ahaana Duqii Magaalada Muqdisho mudane Xasan Maxamed Xuseen ( Muungaab) waxaa ka muuqatay  farxad iyo xamaasad isagoo mas’uuliyiinta gobolka gacan qaaday, sawiro kooxeed la galay isla markaana kaftan iyo qosol la wadaagay.
HOOS KA DAAWO SAWIRRADA